Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada oo lagu dilay qaraxyo Muqdisho ka dhacay

375

Muqdisho (UM) Allaha u naxariistee Wasiir ku xigeenkii Wasaaraha shaqada iyo dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii iyo qaraxyadii maanta lagu qaaday dhismayaasha labada wasaaaradood ee shaqada iyo shaqaalaha iyo Hawlaha Guud.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka uu ku suganaa gudaha wasaaradda xilliga weerarku dhacayay, waxaana qeybta sare ee dabaqa Wasaaradda laga soo badbaadiyay inta badan shaqaalaha wasaaradda shaqada.

Lama ogi wali tirada rasmiga ah ah ee weerar ku dhimatay iyo dhaawaca, waxaana la soo afjaray weerarkii wasaaradda lagu soo qaaday.

Dowladdu wali ma aysa shaacin khaasaaraha rasmi ah ee ka dhashay weerarkii iyo qaraxyadii maanta.

SHARE