Raiisul wasaaraha dawladda federaalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu soo saaray oo uu tvga qaranka ka aqriyay agaasimaah wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Alcaddaala shaqada uga joojiyay wasiir ku xigeenkii wasaaradda arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daaud.
Sida wareegtada lagu sheegay raiisul wasaaraha ayaa si looga sal gaaro eedda musuq ee lagu hayo wasiir ku xigeenka waxa uu go,aansaday in shaqada uu hayay laga joojiyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 9ka -8-2018.
Wareegtada ayaa lagu yiri si hey’adaha isla xisaabtanka oo ay ugu horreeyaan hanti dhawrka iyo xeer ilaalintu ay u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan dastuurka.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayay heyadaha kala ah xeer ilaalinta iyo hanti dhawrka ku eedeeyeen in ku kacay musuqmaasuq, iyada oo ay dhacday in la isku dayo in la soo xiro, hase ahaate ay taas ka horyimaadeen shaqaalaha iyo ilaalada wasaaradda arrimaha dibadda.
Warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu beeniyay in wasir ku xigeenka uu galay musuq.