Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga Soomaaliya oo shaqada laga joojiyay

1354

Muqdisho (UM) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqada laga joojiyay.

Wareegto ka soo baxday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo laga baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamed Khaliif Diiriye ( Shaakut) shaqada laga joojiyay.

Wareegtada ka soo baxday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha laguma xusin wax sabab ah oo shaqada looga joojiyay wasiir ku xigeenka.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay in xeer ilaaliyaha guud qaran lagu wargeliyay in waajibaadkiisa shaqo u guto si hufan oo waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka iyada oo lagu shaqaynayo gudaha xuduuda sharcigu tilmaamayo.

Dhawr bilood ka hor ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha  dibadda Mukhtaar Mahad Da’uud oo lagu eedeeyay in ku lug yeeshay arrimo musuqmaasuq.