Warar ay heshay Ummadda Media ayaa xaqiijinaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay galinkii hore ee maanta kaxeysteen wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Da’uud oo lagu soo eedeeyay falal salka ku haya ‘musuqmaasuq’.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda soo qabtay wasiir ku xigeenka ay wateen warqad ogolaanshiyo maxkamadeed ka hor inta aanay galin xarunta wasaaradda iyagoo markii dambena u kaxeeyay xarunta dambi baarista ee CID da. Goobjooge ku sugnaa wasaaradda xilliga dhacdada ayaa sheegay in ilaalada wasiirka ay isku dayeen inay ishortaag ku sameyaan ciidamada u yimid inay Wasiir ku xigeenka kaxeyaan.
Talaabada lagu soo qabtay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa daba socda howlgalo ay dhawanahan qaadayeen laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo lagu soo qabtay shaqsiyaad ka tirsan dowlada oo lala xiriirinayo musuqmaasuq.