Wasiir Goodax: ”Haddii khatar aan aragno baraha bulshada waa la joojinaa”

708
Abdullahi Godah Barre, Somalia Federal Minister of Education. Photo credit: via Twitter.

Muqdisho – Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradiisu ay awood u leedahay in ay xayirto baraha bulshada ee dadweynaha aad u adeegsadaan haddii wax khatar ah wasaaraddu dareento.

Wasiirka ayaa horrey u sheegay in baraha bulshada ee ay dadweynaha aadka u adeegsadaan ay xiri doonaan inta imtixaanka uu socdo si looga hortago dhibaato ama qish lagu faafiyo oo imtixaanka ah.

Inkasta oo aan saaka la xayirin baraha bulshada, haddana wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay awood u leedahay in ay saacad kasta xayiri karto baraha bulshada (Sociala Media) haddii khatar ay dareento ama baahi timaado.

“Wasaaraddu waxa ay maxkamadda sare ee waddanka u qortay arji ay ka codsanayso Social Media in la xakameeyo waqtiga imtixaanka haddii baahi timaado. Maxkamadu xukunkaasi waa noo riday mahad ha ka gaarto. Hadda wasaaradu waxa ay haystaa awood saacad kasta social Media aan ku jooji karno”. Ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

“Maanta lama joojin baraha bulshada maxaa yeelay baahidii ma jirto, shaqadii kale oo adkayd ee kale ayaa noo shaqaysay sabab loo joojiyo ma jirto lakiin haddii aan khatar aragno waa la joojinaa, waxaa nooga muhiimsan in ardayda ay mar labaad niyad jabaan” ayuu yiri wasiirku.

Wasaaradda waxbarashada ayaa labo toddobaad ka hore joojisay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay inta badan maadooyinkii ardeydu ay galeen taasi oo keentay in wasaaradda imtixaankaas ay baabi’iso.

Imtixaanaadka maanta bilowday ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 ee dowladda oo ay u fariisteeen in ka badan 30-kun oo ardey ayaa socon doono ilaa 31-ka bishaan Maajo.