Wasiir geeriyooday ka dib markii uu orday 500 miitir

713

Dowladda Tunuusiya ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday Wasiirkii Caafimaadka dalkaasi Slim Chaker  ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

Waxaa la sheegay in uu joogga ka dhacay, xilli uu ka qeyb qaadanaayay tartan orodka ah.

Mas’uulka dhintay ayaa Da’diisa lagu sheegay  56 jir ah.

Ra’iisul wasaare Yuusuf Chahed, ayaa sheegay in uu waayay “walaal iyo saaxiib shaqo”, kaas oo geeriyooday isaga oo ku jira hawl banii’aadannimo oo dahabi ah.”

Oradkan ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Nabeul Axaddii, si loo aruuriyo lacag lagu dhiso xarun caafimaad oo kansarka lagada daweeyo carruurta.

Chaker ayaa wasiirka caafimaadka loo magacaabay bishii hore, ka dib markii isku shaandhayn ballaaran lagu sameeyay golaha wasiirrada.

SHARE