Wasiir dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

28

Muqdisho (UM) – Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdulkadir Axmed-Kheyr ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fahdiya Soomaaliya Carlo Campanile.

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraba dowladsa Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal.

Wasiir dowlaha ayaa uga mahadceliyay safiirka taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah oo soo jireen.

SHARE