Wasiir Cawad oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

403

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka oo shalay subax oo Axad ahayd soo gaaray Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale looga dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Soomaaliya waxa ay xubin firfircoon ka tahay Ururka Iskaashiga Islaamka oo inta badan ka hadla arrimaha quseeya dalalka Islaamka ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

SHARE