Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku boggaadiyay safiirka deeqaha waxbarasho ee dowladda Shiinaha uu siiyo ardayda Soomaaliyeed iyo barnaamijyada tababar ee diblomaasiyiinta iyo shaqaallaha rayidka Xukuumadda Federaalka si ay u kobciyaan xirfaddooda, howlgudashadooda iyo u adeegiddooda shacabka.
Waxaa kale uu ku booriyay in iskaashi ballaaran iyo maalgeshi laga sameeyo dhinacyo kala duwan oo horrumarin ah si dalka dib u dhis loogu sameeyo.