Wasiir Cawad: ‘Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma degdegin’

784

Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dalka uga erisay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan dowladdu ku degdegin go’aanka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, uu baal maray hanaankii u degsanaa xafiiskiisa, isla markaaana ay dowladdu ka qaadatay go’aan cad oo ah in uusan dalka ka shaqeyn karin.

”Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan la fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Mar la weydiiyay Wasiirka waqtiga Mr Haysom uu dalka ka tagayo ayuu sheegay inuu uga baxayo ‘dhaqsiyaha badan ee isku diyaarin karo’

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku wargalisay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom in aan wadanka laga rabin, uusana ka shaqayn karin. Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankani uu salka ku haayo kaddib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u fara geliyay madax-bannaanida dalka, sida lagu xusay qoraalka.

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaan wax jawaab ah ka bixin wali arrintaan, waxa ayna samayn ku yeelan doontaa shaqada ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.