Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa isagoo ku sugan magaalada Garoowe sheegay in xal laga gaaray murankii saaka ka dhashay isku daygii ciidamo ka tirsan booliska ay ku doonayeen inay ku soo xiraan Mukhtaar Mahad Da’uud, Wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasiirka Cawad ayaa sheegay in ciidanku ay wateen warqad maxkamadeed oo ay sheegeen inay ku doonayeen inay ku soo xiraan Wasiir kuxigeenka balse markii dambe uu soo faragaliyay arinta ra’isul wasaare Khayre.
“Arrintaas waa la xaliyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa amar bixiyay, Jeneraalkii Booliska ayaa xarunta tagay, ciidankii booliska dib ayaa loo celiyay Wasiirkana shaqadiisa ayuu wataa, wixii sharci iyo Maxkamad waqtigeeda ayay leedahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wareysi siiyay Idaacada BBC.
Ilaalada Xarunta Wasaaradda iyo shaqaalaha ayaa is hor-taagay isku dayga Xariga, waxaana in muddo ah xarunta gudaheeda ka jiray buuq iyo muran, taasoo markii dambe uu soo farageliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.