Wasiir Beyleh: Covid19 ‘Saamayn adag ayuu ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya’

555
Coronavirus 'wuxuu baabi'iyay dhaqaalaha Soomaaliya'. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh. Sawirka: Facebook Wasiir Beyleh.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in cudurka Covid-19 uu saameyn adag oo dhaqaale uu ku yeeshay dalka.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa sheegay in qulqulka lacagaha xawaaladaha ay xirmeen sababta oo ah Soomaali badan oo dibadda ku nool ayaa shaqooyinkoodii ku waayey cudurka Corona fayraska.

Wuxuu intaas ku daray in dakhliga dowladda uu hoos u dhacay boqolkiiba 40 sababta oo ah canshuurtii ay aruurin jirtay oo meesha ka baxday.

Wasiir Beyleh oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in dadka qaar ay gaajo u horseedi doonto dhibatada ku timid dhaqaalihii ay dibadda ama xawaaladaha ka heli jireen.

Qiyaastii $ 1.5 bilyan oo doollar Mareykanka ah ayaa sanadkii dibadda Soomaaliya ka soo gasha, taasi oo ka badan kaalmada shisheeye, qoysas badanna waxay ku tiirsan yihiin lacagta caddaanka ah si ay  noloshooda ugu maareeyaan.

Waxay ka caawisaa dadka in ay iska bixiyaan iskuulada, gargaarka caafimaadka ama si fudud in ay wax u iibsadaan.

Mid ka mid ah shirkadaha xawaaladaha ugu weyn ee Soomaaliya ayaa sheegtay in xawaaladaha Ingiriiska ay hoos u dhacday 50%. Wadanka waxaa horay u saameysey boqolkiiba 50.

Soomaaliya waxaa horay u saameysey dagaalka kooxda Al-Shabaab, dagaalada qabiilka, abaaraha soo noqnoday iyo fatahaadaha iyo duulaanka ayaxa.

Soomaaliya oo horey saamayn ugu yeesheen, dagaalka dowladda iyo Al- Shabaab, dagaalada qabiilka, abaaraha joogtada ah iyo fatahaadaha iyo duulaanka ayaxa ayay u badan tahay in samaynta dhaqaale ee uu sababay coronavirus ay ku keento in ay uga sii darto. Laakiin waxaa jira hal rajo.

5 bilyan oo doollar Mareykanka ah oo ka timid Bangiga Adduunka iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF – oo ay weheliso maamul wanaag Maaliyadeed – ayaa u suuragalisay in Soomaaliya deynta laga cafiyo markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.

Bangiga adduunka ayaa hadda sii daayay warbixin sheegaysa in dalalka ka hooseeya Sahara Afrika ay lumin karto 37 bilyan oo doollar Mareykanka ah xawilaahada ah coronavirus awgiis.