Wasiir Beyle oo shir ku saabsan Maaliyadda uga qeybgalaya Nairobi

756

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayo barnaamijka SMP3 ee deyn cafinta ee hey’adda lacagta aduunka iyo Dowladda Soomaaliya ay iskaashanayaan (Staff-Monitored Program) iyo qorshaha daabacaada lacag shillin Soomaaliga cusub.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ka rajeynayo shirkan mid ku soo dhamaada guul ayna ka soo baxaan wax anfacaya Soomaaliya isagoo intaas ku daray in barnaamijka deyn cafinta looga sii gudbi doono waji cusub oo sahlaya daabacaadda lacagta shilinka soomaaliga ah madaama ayuu yiri ay Soomaaliya horumar wanaagsan ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Shirka SMP3 ayaa ah Jabtar cusub oo aan ka gudbi doono taas oo noo sahli doonta arimaha dabaacada Lacagta iyo Deymaha waxaan rajeynaynaa in aan Guul kale ka gaaridoono arrimaha inna horyaala,”ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa bulshadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyadoo ilaa iyo haatan ku guuleysatay inay buuxiyaan inta badan shuruudihii ay hordhigtay hey’addaha lacagta IMF-ta.