Wasiir Beyle oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Bangiga Adduunka (Sawiro)

902
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la shirsan wafdi heer sare ah oo ka socday Bangiga Adduunka/ Sabti 05/05/2018 MOGADISHU, Soomaaliya

Wafdi ka socda Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa maanta oo Sabti ah waxaa uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxaa ay Kulan la yeesheen wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirka dhexmaray wafdiga heerka sare ee ka socday Bangiga Adduunka iyo wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iyo xoojinta Sharcoyadda iyo Hufnaanta Howlaha Bangiyada iyo Xawaaladaha, sida uu barta Twitter-ka Ku xaqiijiyay C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan xafiiska ku qaabilyay wafdi sare @WorldBank ka socda oo aan kala hadley horumarinta iyo xoojinta sharciyada iyo hufnaanta howlaha Bankiyada iyo xawaaladaha” ayuu Wasiir Beyle Ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray ka dib shirka.