Wasiir Beyle oo maanta hortagaya Baarlamaanka

685
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyleh

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu ugu jawaabto eedeymo mamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq ay u soo jeediyeen Guddi hoosaadka Golaha Shacabka u qaabilsan Miisaaniyadda iyo Maaliyadda.

Wasiirka ayaa ka filayaa inuu u soo bandhigo Baarlamaanka caddeymo iyo warbixin ku saabsan lacagaha la sheegay in la musuqmaasuqay ama nidaamka xisaabeedk dowladda aysan marin.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale la filayaa inuu warbixin buuxda ka siiyo Baarlamaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dowladda soo galay ama deeq loo siiyay iyo qaabkii oo kharash gareeyay.

Dhankooda, Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa iyaguna la filayaa in ay su’aallo ku saabsan eedeymaha musuqmaasuq iyo wax isdaba marinta ee loo soo jeediyay wasaaradda ay wasiirka wax ka weydiiyaan.

Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ayaa toddobaadkaan soo saaray warbixin dheer oo ay eedo musuq-maasuq iyo wax isdaba marin Maaliyadeed ugu jeediyeen wasaaradda Maaliyadda, bangiga dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa shalay soo saaray war qoraal ah uu uga jawaabay eedeynta Guddiga Maaliyadda, qoraalkiisa oo loo diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha.

SHARE