Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Dajire James Swan iyo isudawaha Xafiiska Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.
Kulanka oo ka dhacay xarunta xafiiska Qaramada Midoobay ee Xalane ayaa looga qoddobo kale duwan, oo ay ka mid yihiin taageerida dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee ku wajahan barnaamijka HIPC ee barta dhameystirka deyn cafinta, iyo guulaha laga gaaray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh uu xafiiska ku marti geliyay ayna ka wadahadleen taageerada xaafiiska Qaramada Midoobay ee ku aadan arrimaha dib u habaynta dhaqaalaha iyo guulaha laga sameeyay deyn cafinta Soomaaliya.
“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.