
Muqdisho – Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagey Dekedda wayn ee magalaada Muqdisho.
Wasiirka ayaa u kuur galiyay shaqada iyo hawlaha ka socda Dekedda Muqdisho. Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekedda la yeeshay kulan uu uga dhagaystay warbixino ku saabsan hawlaha dekadda iyo sida loogu adeego ganacsada.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in Dekeddu ay ka mid tahay meelaha ugu ballaaran ee dekhliga gudaha uu ka soo xaroodo, waxa uuna raaciyay in Wasaaradda Maaliyadda dadaal iyo dar-dar galin ugu jirto sare u qaadidda dekhliga iyadoo si hufan loogu adeegayo ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed.
“Waxa aan maanta kormeer ku tagay Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah Isha dhaqaalaha iyo Dakhliga dalka.
Maadaama Dakaddu ay ka midtahay meelaha ugu balaaran ee dakhliga gudaha uu ka soo xaroodo, waxa aan dadaal iyo dar-dar galin ugu jirnaa sare u qaadidda Dakhliga iyadoo si hufan loogu adeegayo Ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dekadda magaalada Muqdisho ayaa ah isha ugu ee dhaaqalaha Soomaaliya ka soo xaroodo marka laga reebo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.