Wasiir Beyle oo ka hadlay wax qabadka billaha ah ee wasaaradda Maaliyadda (Sawiro)

532

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beeyle oo shir jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa ayaa ka war bixiyay Waxqabadkiisa bil laha ah ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka ayaa ka hadlay bixinta canshuurta ay dowladdu soo kordhisay, waxa uu shegay in ay meel wanaagsan marayso bixinteeda wadahadalo iyo shirar gooni gooni ahna uu la yeeshay ganacsatada soomaaliyeed si loogu qanciyo bixinta canshuuraha lagama maarmaan u ah hannaanka dowladnimada iyo hirgalinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale ka hadlay guulihii laga gaaray hannaanka maamul wanaaga Maaliyadda iyo wadashaqeynta Sanduuqa Lacagta ee IMF-ta.

Ugu dambeyn shirka jaraa’iid ee Wasiir Bayle ayuu baaq ugu diray qurba joogta Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo in ay ka qeyb qaataan bixinta Canshuuraha.

SHARE