Wasiir Beyle oo ka hadlay hawlaha dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda

772

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Xaafiiskiisa uga warbixiyay waxqabka wasaaradda ee bishaan September ee sii dhammaanaysa.

Wasiirka ayaa sheegay in 30 sanadood kaddib markii ugu horeysay Bangiga Aduunka ku qanacsan hunaanta wasaaaradda Maaliyadda ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay Lacag dhan $80 Milyan oo doolar.

Waxa kale uu sheegay in ay u qabsoontay wasaaradda hannaanka deyn cafinta ee barnaamijka #SMP3 oo meel gaba gaba ah maraya islamarkaana dhamaman shuruudihii la hordhigay ay ka gudubtay wasaaraddu.

Bangiga adduunka ayaa shalay Soomaaliya u ogolaaday Soomaaliya 80 milyan oo doollar taasi oo wax looga qabanayo kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi.