Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay muhiim tahay bixinta cashuurta ee ay dowladda soo rogtay.
Wasiir Beyle oo wareysi siinayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in waxa ay dowladdu Canshuurtay ay tahay oo kaliya alaabooyinka jumladada ah oo aysan ku jirin waxa la canshuuray cuntooyinka, sida bariiska,sonkorta iwm ah.
Wasiirka ayaa sheegay in bixinta canshuurta ay dowladda ka caawinayso, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo hawlaha maamulka dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in haddii la bixiyo canshuurta ay dowladdu u isticmaali doonto in ay dowladdu sidoo kale ka maaranto waxyabaha caalamku Soomaaliya uu ka caawiyo isagoo intaas ku daray in dowladdu ay doonayso in la hormariyo wax soo saarka gudaha dalka iyo beeraha.
Waxaa saaka dib u furmay ganacsiga suuqa Baakaraha ee magaalada Muqdisho oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafy xirnaa kaddib markii ganacsada ay ka biyo-deen bixinta casnhuurta gadista oo ay dowladdu soo rogtay.
Ganacasada ayaa sheegay in ay badan tahay canshuurta dowladdu ay saartay alaabooyinka la soo dajiyo. Waxaa uu sheegay wasiirka Maaliyaddu sidoo kale in dowladdu ay qorshaynayso in ay soo daabacdo lacag cusub oo shillin Soomaali ah sidaas darteedna ay u baahahan tahay lacag lagu soo daabaco.