Muqdisho ( UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Indonesia uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee ku saabsan Maaliyadda kaasi oo ay qabtaan sanadkasta Hey’adda lacagta IMF iyo bangiga adduunka.
Shirkaan ayaa waxa ka qeybgalaya madax ka socota Hey’adda lacagta adduunka IMF iyo bangiga adduunka.
Waxa an idinku soo dhaweynayaa in sad dhegeysataan warbixan aan maanta siiyey @BBCSomali oo ku saabsan shirarkii aan maalmahan la lahayn hay'adaha Bangiga Adduunka @WorldBank iyo Sanduuqa lacagta adduunka @IMFNewshttps://t.co/F9tARhTkFa
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) October 15, 2018
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa mar uu wareysi siinayay Idaacadda BBC Somali sheegay in shirkani Indonesia ka socda looga arrinsanayo habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa dib u haybta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan igu jirta sidii looga cafin lahaa lacagaha deymaha ah ee lagu leeyahay ee faraha badan.