Wasiir Beyle oo hadal ka jeediyay Machadka Dhaqaalaha ee Stockholm

755

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta hadal ka jeediyay Machadka wayn ee dhaqaalaha ee Stockholm ee fadhigiisu yahay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Wasiir Beyle oo marti ku ahaa barnaamijkaan oo ciwaankiisu ahaa ” Doorka Iskaashiga dib u habaynta dhaqaalaha” ayaa uga hadlay arrimo muhiim ah, oo ay ka mid tahay dib habaynta dhaqaalaha, horumarka laga sameeyay hannnanka Maaliyadda iyo Geeddi socodka dhammeystirka deynta cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo oo barnaamijka uga qeybgalay aaladda Zoom-ka ee khadka Internet-ka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka Soomaaliya ka samaysay sanadihii la soo dhaafay horumarka dhanka maamul wanaaga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Beyle ayaa sidoo kale xusay hannaankii uu soo maray dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dakhliga soo saarka gudaha dalka.

Waxaa kala qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya barnaamijka Machadka Dhaqaalaha Stockholm safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr. Staffan Tillander oo isna hadal kooban uu ku saabsan horumarka Soomaaliya ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo deyn cafinta ka hadlay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ka jeediyay Muxaadiro ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taas oo u qabsoontay hab Online ah.

Dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku timid wada-shaqeyntii wax ku oolka ahayd iyo taageerada aan ka helnay dadkeenna iyo Saaxiibada Soomaaliya ee caalmaka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Soomaaliya ayaa horumarka wayn ka samaysay sanadihii la soo dhaafay dib u habaynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.