Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi.
Labada wasiir ayaa lagu waramay inay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.
Wasiirka, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.
Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulankan Ku xaqiijiyay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
An honour to have discussed further strengthening the financial ties between #Somalia & #Qatar with my counterpart H.E. Ali Shareef Al-Emadi on the sidelines of the Doha Islamic Finance Conference.
Qatar is a valuable partner in Somalia's progress @MofaQatar_EN pic.twitter.com/zTYHmy5zTu— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) January 9, 2018
Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane Ali Shareef Al – Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee #Somalia & #Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha. pic.twitter.com/yD37udVire
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) January 9, 2018
“Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al – Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Somalia iyo Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dowladda Qadar, oo ah dal qani Ku ah Gaaska Dabiiciga ah ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhanka kale
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xubno ka tirsan qurba joogta Soomaaliyeed.
Waxaan la kulmey oradyahan Somaaliyeed oo ka yimid USA oo aan kula kulmey Magaalada DOHA taas oo mujineysa sida dhalinyarada Somaaliyeed ay ugu wanaagsan yahiin Oradka dheer waxaan u rajeyna #Abdi Guul iyo Horumar. pic.twitter.com/LsoaHfO3E3
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) January 9, 2018