Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha qeyb cusub oo labaad oo ay leedahay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Dhismaaha cusub oo maanta la dhagax dhigay dhismaha qeyb cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa Bangiga Aduunka taasi oo qeyb ka dhameystirayo dhismaha qeybta ka dhiman oo horrey Banigu u balan qaaday.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in dhismahaan uu muhiim u yahay shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxaan maanta dhagax dhigay dhismaha qeyb cusub oo W.Maaliyadda ah, kaasoo ah fulinta balanqaadkii Bangiga Aduunka ee ahaa inuu dhameystirayo dhismaha qeybta ka dhiman.
Dhismahaan waxa uu muhiim u yahay shaqada W.Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka. pic.twitter.com/2geTIKl49E— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) April 21, 2019

























