Wasiir Beyle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta ilaalada canshuuraha

24

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta ilaalada canshuuraha ee Turabataariyo ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dhismaha xarumahaan ay saldhig u yihiin hagaajinta hannaanka canshuur dalka.

Xarumaha cusub ee maanta wasiirka Maaliyadda oo uu wehliyo taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar ayaa laga hirgelin doono qaarka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, sida Hodan, Hawl wadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Yaaqshiid.

“Waxaan dhagax dhignay aas aaska iyo dib u dhiska qaar ka mid ah xarumihii Canshuuraha dagmooyinka gobolka Banaadir, waxaa inoo suuro gashay inaan ku bilaawno dhismaha 5 Xaruumood oo kala ah, Hodan, H.Wadaag, X.Weyne, X.Jajab iyo Yaaqshiid”. Ayuu yiri wasiir Beyle.

Waxaa sidoo kale la dhagax dhigay Xarunta guud ee Turunbataariyada iyo Machad lagu baran doono cilmiga dhaqaalaha dalka.

SHARE