Wasiir Beyle oo Baarlamaanka ka hor akhriyay Sharciga Maaraynta Maaliyadda (Sawiro)

1333
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyleh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  ee Xukuumadda Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta  hortagay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Beyle, ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka  ee Jamhhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya  ka hor akhriyay Hindise-sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaraddiisa Maaliyaddu  ay soo diyaarisay.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya islamarkaana uu yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka.

Waxaana uu xusay in uu  xoojinayo Maaliyadda iyo Maamulkeeda wax badanna uu  ku samaynayo  habka Maaliyadda Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu Beyle ka hor sheegay kulanka xildhibaanada Baarlamaanka.