Wasiir Beyle oo Baarlamaanka hor-geeyay Miisaaniyadda 2018-ka

877
The 2018 budget presented yesterday to Parliament by Dr. Abdirahman Beileh, the Minister of Finance of Somalia

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Baarlamaanka federaalka Soomaaliya horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka oo dhawaan Golaha Xukumaddu ay ansixiyeen.

Miisaaniyadaan oo mareysa akhrinta Koowaad ayaa waxaa Xildhibaanada faahfaahin kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyadda Dr Beyle, isagoo sheegay in Miisaaniyaddaan ay tahay tii ugu horeysay ee lagu daro Qoondada Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadweynaha.

“Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa in Miisaaniyaddaan ay ka duwantahay kuwii hore, maxaayeelay waxaa ku jirta $3 Milyan oo Caafimaadka Dadweynaha iyo ku dhawaad $6Milyan oo Waxbarashada Dadweynaha aan ugu talagalnay” ayuu Xildhibaanada ka hor yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Akhrin iyo ka doodid kadib waxaa la sugayaa go’aanka Baarlamaanka ee ku aadan meelmarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka.