Wasiir Beyle: Dhaqaale badan ayaa nooga lumay “saamaynta COVID-19”

820

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay shirarkii ugu dambeeyay ee sanadlaha ahaa uu la yeeshay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Hey’adda dhaqaalaha adduunka iyo Bangiga Adduunka ay sidoo kale la wadaageen horumarka dhaqaale ee dowladda Federaalka ay gaaray iyo sidoo kale saamaynta dhaqaale uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid-19.

“Soomaaliya waa ay ka soo gudubtay liiska dalalka jilicsan ama aadka nugul dhaqaale ahaan..waxaan u gudubnay dalalka horumarka samaynaya.waxaan ka waranay in hannaankeena Maaliyadda uu yahay mid hufan oo la isku halayn karo maanta iyo kobaca dhaqaalaha gudaha “. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Beyle oo marti ku ahaa Telefishinka Qaranka ee dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay Hey’adaha Caalamiga ee Maaliyadeed adduunka, ay Soomaaliya ka taageereen xakamaynta dhibaatada COVID-19 ee dhanka dhaqaalaha, sida Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Beyle ayaa sidoo kale ayaa sheegay in IMF iyo World Bank ka hadleen Mashaariic dhanka dhaaqalaha iyo waxyaahaha sanadkaan, kan soo socda mudnaanta u leh Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle oo ka hadlayay dardar-gelinta dakhliga gudaha dalka oo uu sheegay in hurumar badan laga sameeyay ayaa dhankale xusay in samayn dhaqaale uu ku yeeshay wax soo saarka iyo dakhliga gudaha dalka.

Covid-19 saamayn dhaaqaale ayuu kobaca iyo wax soo saarka dalka ku yeeshay…Canshuur qaadistii ayaa hoos dhac ku yimid, canshuurtii ascaarata ama raashinka, sida Burka, Bariiska, Saliida iyo Timirta oo aan canshuur dhaaf loo sameeyay ilaa maanta la joogana aan laga qaadin wax canshuur ah ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay dakhliga gudaha…lacag badan ayaan halkaas nooga luntay oo ku dhaw 10 Milyan oo doollar”. Ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacag ku dhaw 7 ilaa 10 Milyan Soomaaliya uga luntay saamaynta dhaqaale uu sababay xanuunka Covid-19 tan iyo markii dalka uu ka dilaacay bishii Maarso ee sanadkii 2020.