Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay jiraan Hay’ado uu sheegay in Soomaaliya si dhuumaaleysi ah ugu shaqeysta, waxa uuna sheegay in ay dabagal ku hayaaan Hay’adahaasi.
Hay’adaha Caalamiga ee Shaqooyinka waa weyn qabta ayuu sheegay in ay yaqaan shuruucda dalka, isla markaana ay soo maraan Shuruudaha Dalka u ogolaanaya in ay ugu howl galaan.
Waxa uu Sheegay in badi Hay’adaha yar-yar ee aan Dowliga aheyn ee Afka qalaad lagu yiraah (NGO-yada) ay ka howl galaan Deegaanada Dowlad Goboleedyada iyagoo aanan heysan ogolaanshiyada Wasaaradda.
Wasiir Jamaal ayaa ku hanjabay in Sharciga ay hor geyn doonaan Hay’adahaasi, waxa uuna tilmaamay in uu socdo qorshooyin lagula soconayo Hay’adaha Sida sharci darada ah gobolada Soomaaliya ugu howl gala.
Ka gudbidda Hay’adaha sharci darada ku shaqeysanaya ayuu sheegay in wax looga qaban karo xiriir dhab ah oo ay sameystaan Wasaaradaha Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada sida uu hadalka u dhigay.
Soomaaliya waxaa ku sugan hay’ado dalka ka sameeya Mashaariic kala duwan, waxaana la sheegayaa in Hay’adahaasi aanan ka diiwaan gashaneen Wasaaradaha Shaqada ku leh ee Dowladda federaalka.
Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxa ay sheegeysaa in ay tallaabo ka qaadeyso Hay’adahaasi, waloow aanan cadeen Nuuca Tallaabo ay ka qaadeyso Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee NGO-yada.