Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay maamul xumo Maaliyadeed

871

Muqdisho (UM) – Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya maamul xumo maaliyadeed.

Warbixin cusub oo Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay, in malaayiin doollar aan la xisaabin, sidoo kalena aysan  Jirin wax caddayn ah oo ku saabsan kharashyada.

Guddigu wuxuu sheegay in 20 milyan oo doollar oo qeyb ka ahayd 50 milyan oo doollar oo taageera miisaaniyadeed oo ka timid boqortooyadda Sacuudiga 2017-kii aan la xisaabin. Waxa ay ku booriyeen Wasaaradda Maaliyadda in ay si buuxda u bixiso warbixin ku saabsan halka ay aadeen lacagahaan. Guddiga ayaa sheegay in lacagtaas aan lagu darin Miisaaniyadda dowladda ee 2018.

Guddiga ayaa ku eedeeyay wasaaradda Maaliyadda in ay ku fashilantay in ay canshuur ka qaado shirkaddaha xawaaladdaha iyo bangiyada; halkii ay Wasaaradda ka ururin lahayd lacagta shirkaddaha isticmaalaya hababka sharci darro ah. 1.5 milyan oo doollar oo loo qoondeeyey xaaladaha degdegga ah sida abaaraha, daadadka ayaa lagu kharash gareeyay safarro, dayactir, kiro, martigelinta iyo hoteelada. Sida lagu xusay warbixinta Guddiga.

Dhanka kale, Guddigu wuxuu sheegay Dowladda Hoose ee Muqdisho ay heshay 16.5 milyan doollar intii u dhexeysay bilihii January iyo Juun 2018-ka , dhammaantood waa la kharash gareeyay, mana jirin dukumiintiyo caddeynaya inta badan kharashyada baxay; waxa la sheegay in lacago badan ay ku baxeen maamul xumo.

Guddiga ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan lahayn wax qorshe ah oo qeexaya kharashaadka sanadlaha ah.

Guddiga ayaa sheegay sidoo kale in qof ka tirsan Dowladda Hoose uu ku dhawaad ​​6 milyan oo doollar kala baxay bangiga dhexe, iyadoo oo aysan caddayn sida lacagtaan loo qaatay.

Boqolkiiba 30 waxa si sharci darro ah looga jaraa shaqaalle dowladeed waxaa jira sidoo kale shaqsiyaad dowladda hoose lataliyayaal ahaan ugu shaqeeya oo aysan qeexnayn shaqada ay qabtaan. Sida lagu sheegay warbixinta Guddiga Maaliyadda.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Ummadda Media ayaa u xaqiijiyay in warbixinta Guddiga ay soo saareen aan la wadaagin Wasiirka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir oo eedeyntaan culus loo jeediyay ayaa walin wax jawaab ka bixin.