Wasaaradda Maaliyadda oo markale xisaab celin ka dalbatay dowlad goboleedyada

695
The Parliamentary Finance Committee released a damaging report this week alleging the Ministry of Finance mismanagement of funds and misappropriation of $20 million dollars. Minister of Finance rebukes the committee's report calling it untrue and lacking clear evidence. Photo: via Twitter

Muqdisho ( UM) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladd Goboleedyada dalka in soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii hore ay isticmaaleen, si loogu fasaxo dalabka lacagta cusub.

War qoraal oo ka soo baxay xaafiiska wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ay laba jeer hore codsi ku saabsan in ay xisaab celin soo gudbiyaan u dirtay dowlad goboleedyada dalka.

“Aniga oo tix-raacaya siidayntii lacagtii Banggiga adduunka oo ahayd 5 milyan oo doollar oo ah lacagtii Surge Supprt-ka, oo ahayd qaybtii labaad, bishii September 2018 ayaa Wasaaradda Maaliyadda waxa ay si xushmaleh uga codsatay oo laba jeer u dirtay tixraaca mof/om/ 599/18 iyo mof/om/1316/18 Wasaaraddaha Maaliyadda ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dalab kooda soo gudbiyaan lacagta cusub ee surge Supprt-ka iyo xisaab-celinta isticmaalka lacagihii hore loogu diray” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xaafiiska wasiirka.

Wasiiradda Maaliyadda ayaa laba jeer hore ka codsatay dowlad goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab cirka lacagihii ay hore u isticmaaleen balse ilaa iyo hadda kama aysan jawaabin codsiga Wasaaradda Maaliyadda.