Wasaradda Waxbarashada XFS ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay Maamulka Dakhliga ay soo uruuriso Wasaaradda waxbarashada.
Kusimaha wasiirka Maaliyadda ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraddaasi Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdulahi Sheikh Cali Qaloocoow ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada sida Wasiirka iyo Howlwadeenada kale ee Wasaaradda.
Kulanka ka dib waxaa la sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay la wareegtay maamulka Dakhliga ay soo aruuriso wasaaradda Waxbarashada taasi oo si too ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda.
Arinkaan waxa uu daba socda Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wasaarahadda Maaliyadda iyo Hey’adaha kale ee Dowladda ee Dakhliga uruuriya.
Go’aankaasi ayaa ahaa in dhammaan wixii Dakhli ah ay maamusho wasaaradda Maaliyadda.