Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka baxday heshiisyadii ay kula jirtey dhamaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee bixiya adeegyada kala duwan ee Dowladda loo sameeyo.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo ku kala socotay guud ahaan Wasaaradaha salka, isla markaana la ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Hanti dhawraha Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adaha kale dalka ayaa lagu cadeeyay laga bilaabo 31 July inay xukuumadda Federaalka ka baxday dhamaan heshiisyadii ay kula jirtey shirkadaha sida qaaska ah loo leeyahay, wareegtadaasi oo soo baxday 29/6/2017 ayaa shirkadaahaasi waxaa loogu qabtey muddo labba Maalin oo qura.
Amarkaan ayaan saameyn doonin shirkadaha Turkiga ee maamula Garoonka Diyaardaha iyo Dekadda Muqdisho, kuwaasi oo wareegtada lagu sheegay inaaney ku jirin kuwa heshiisyada looga baxay.
Shirkadahan ayaa ah kuwo Soomaali ay leeyihiin kuwaasi oo gaaraya 17 shirkadood.
1- .Shirkadda Visooyinka,
2-.Shirkadda Pasaporka,
3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,
4- Shirkadda Tresmitralaha,
5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,
6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka
7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,
8- Shirkadda Quality Controlka,
9-. Shirkadda PGM ee Dekadda
11- Shirkadda Scanka Dekadda,
12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,
13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.
14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,
15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,
16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,
17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.
Xigasho: Xaqiiqa Times