Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysa Booliska ayaa kulan ka yeeshay arrimaha amaanka, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo wadashaqeynta laamaha amniga iyo Wasaaradda Maaliyadda
Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan amniga, dagaalna ay kula jiraan Alshabaab iyo ka hortaga faldambiyeedyada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga isla markaasna ay kaalintooda qaadan doonaan kaga aadan sugitaanka amaanka Shacabka Soomaaliyeed iyo hantidoodaba oo uu sheegay inay mas’uuliyad ka saarantahay Dowladda Soomaaliyeed.