Muqdisho (UM) – Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho maanta kula saxiixayay Hey’adda NRC (Norwegian Refugee Council ) heshiiska ku kacaya 2.5 Milyan oo doolar.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay Hey’adda NRC ay kala kala saxiixdeen heshiis ku kacaya $2.5 Milyan oo wax looga qabanayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah Gobollada dalka.
Gobollo badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa ka dhacay sanadkaan sii dhamaanaya ee 2017-ka abaaro ba’an taasi oo sababtay dhimashada dad iyo duunyaba. Abaarahaan ayaa sidoo kale ay ku barakceen dad aad u fara badan.