Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya oo digniin soo saartay

129

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda  ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga digtay Dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka  taasi oo ay suurtagal tahay  in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha bada.

Qoraal kasoo baxay  Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka bada ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan tagida meelaha  fog-fog ee Bada gudaheeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan.

inta lagu guda jiro xilliga Bad xeranka ayay Kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  khasaarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxaana la sheegayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhammaan dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux.

SHARE