Muqdisho – Wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino cusub oo ku saabsan fatahaado cusub oo laga yaabo in ay ka dhacaan deegaanada ay maraan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la filayo roobab xooggan oo ka sarreeya 440MM in ay maanta iyo bari ka da’aan meelo ka mid ah Koonfurta dalka. Sidoo kale roobab xooggan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Galbeedka dalka taas oo sii kordhin karta fataahaado hor alle ah oo ka dhaca dalka.
Saadaasha roobabka di,i doona maalmaha 6-7da bisha November ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwa xoog badan. Si la mid ah dalkeenna waxaa iyana roobab ka di,i doonaan buuraha Itoobiya taas oo sii kordhineysa suurogalnimada in fatahaado dhacaan maadaamo dhulka sare ee Itoobiya ay biyaha kusoo rogi doonaan wabiyada dalka Soomaaliya.
Heerarka biyaha wabiyada ayaa la filayaa in ay kor u kacaan waxaana ay dawladdu u digeysa dadka ku nool magaalooyinka wabiyada ku teedsan in ay ka taxadaraan.
Magaalooyinka Baledweyne, Jowhar oo wabiga Shabelle uu maro iyo magaalooyinka Baardheere iyo Dooloow oo wabiga Jubba maro ayay ka jirta khatar weyn oo fatahaad. Gobolada Baay iyo Bakool ayaa iyagana laga cabsi qabaa in daad roobku keenay ay ka dhacaan.
Wasaaradda ayaa dadka ku dhaqan deegaanadaas ku wargalisay in aysan dib ugu noqon deegaanada ay ka soo barokaceen. Waxaa kale oo lagu taliyay in ay ka fogaadaan deegaanada u nugul fatagaadaha iyo in ay wararka cimilada kala socdaan warbaahinta.
Digniinta dowladda Soomaaliya ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan roobabkii dayrta oo curtay ay sababeen fatahaado ka dhacay deegaanada ku teedsan wabiyada Jubba iyo Shabelle.