Wasaaradda Cadaaladda oo Muqdisho ka furtay tababar lagu baranayo hannaanka sharci qorista

851

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababar lagu baranayo hannaanka sharci-qorista.

Tababarkaan oo socon doono muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa lagu baran doono hannaanka sharci-qorista iyo farsamooyinka muhiimka u ah Sharci-qorayaasha ka shaqeeya wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Cadaalada dowlad Gobolleedyada dalka, kaasi oo loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaradaha Cadaaladda Dowladaha Xubna ka ah Dowlada dhexe si loo helo shaqaale qibrad u leh qorista iyo farsamooyinka lagama maarmaanka ah.

Tababarka ayaa waxaa si wadajir ah iskaga kaashanaya Wasaaradda Cadaaladda iyo hay’adda EUCAP ee Midowga Yurub oo ka shaqeysa arrimaha Cadaaladda.

Xoghaya joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Jimcaale iyo M. keith Murray ku xigeenka hay’adda EUCAP oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu wax badan ka bedeli doona tababarkaan qibrada shaqaalaha.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tababar dheeraad ah ay u baahanyihiin shaqalaahu, si loo dhameystiro xirfadooda shaqo, islamarkaana la heli doono shaqaale awood u leh qorista sharciyada dalka.