
Muqdisho – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ee xogta dowladda ee cudurka Corona Fayras ku sheegtay in la diiwaan geliyay kiisas oo cusub oo Corona Fayras ah.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ee dowladda ku sheegtay in kiis oo cusub ee la diiwaan geliyay kiisas cusub oo gaaraya 38 xaaladood kuwaasi oo ku kala sugan Gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland(3).
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay in 1 qof ugu dhintay magaalada Muqdisho cudurka Corona Fayras.
Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay gaartay 39 ruux.
Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 873 sida ay Wasaaradda Caafimaadu sheegtay.
Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in cudurkaan ay ka bogsadeen guud ahaan 87 qof.
Waxaa maalin maalinta ka dambaysa si xawli ku kordhaya dadka laga helayo ama qaba xanuunka Corona Fayras ee gudaha Soomaaliya.