Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo Covid-19 ah

152
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo warbixinaysa xaaladihii ugu dambeeyay ee Corona Fayras ee Soomaaliya.

Muqdisho – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay 73 xaaladood oo Corona Fayras ah 84 saac ee la soo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ku sheegtay 73 qof maanta laga helay xanuunka Corona Fayras ay ku kala sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya Puntland ( 25), Somaliland (19), Gobalka Banaadir (17) iyo Koonfur Galbeed (12).

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 2 ruux ugu geeriyootay Somaliland xanuunka Corona Fayras.

Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda tahay 55 ruux.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 1,357 kiis.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 148 qof ay ka bogsadeen xanuunka.

Soomaaliya gudaheeda waxa sii kordhaya dadka uu soo ridanaya xanuunka Corona Fayras iyo sidoo kale tirada dadka u dhimanaya.

SHARE