Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya diiwaan gelisay kiisas cusub oo Corona Fayras

124
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo ka warbixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee Corona Fayras ee gudaha dalka. Sawirka: Xafiiska R/Wasaaradda

Muqdisho – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo Corona Fayras ah 24 saac ee la soo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ku sheegtay 65 qof maanta laga helay xanuunka Corona Fayras ay ku kala sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya ( 24), Somaliland (14), Puntland ( 13) ,Gobalka Banaadir (13) iyo Jubbaland ( 1).

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay uu hal qof u dhintay xanuunka Corona Fayras.

Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda tahay 53ruux.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 1,284 sida ay Wasaaradda Caafimaadu sheegtay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 135 qof ay ka bogsadeen xanuunka.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in xanuunka Corona Fayras uu guud ahaan dalka ku sii kordhayo iyadoo dadka uu ku dhacayana ay sii kordhayso.

SHARE