Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hadashay weerarkii xarunta Hormuud ee Deegaanka Cawas-Qurun

532

Muqdisho – Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay weerar ciidamada Kenya ay ku burbureen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Cawas-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka wasaaradda.