Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta oo wax ka badel ku samaynaysa maamulka arimaha Xajka

535
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed Ku aadan arrimaha Xajka.

Hoos ka akhriso warka wasaaradda ka soo baxay

  1. Wasaaradda waxaa ay wax ka badal ku sameyneysaa maamulka arrimaha Xajka
  2. Wasaaradda waxaa ay horumarin ku sameyneysaa dhammaan adeegyada loo fidiyo xujeyda Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sharfta xaajiga.
  3. Wasaaradda waxaa ay bixineysaa ogolaanshiyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo cumrada ee sanadka 2018.
  4. Wasaaradda waxay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha daneynaya in ay ka shaqeeyaan arrimaha Xajka iyo cumarada in ay iska soo diwaan-geliyaan wasaaradda inta u dhaxeysa 07/01/2018-20/07/2018
  5. Wasaaradda waxaa ay dib u eegis ku sameyneysaa qarashka ku baxaya Xaajiga Soomaaliyeed iyada oo lala kaashanayo xukuumadda.
  6. Wasaaradda waxaa ay ku dadaali-doontaa sidii xafiiska fiiso bixinta iyo cumarada ee safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya looga furi-lahaa Muqdisho, si muwaadinka loogu sahlo Visa helidda.
  7. Wasaaradda waxaa ay kaashan-doontaa fulinta Xajka dhammaan hey’adaha ay khuseyso.
SHARE