Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo war ka soo saartay Doorashada K/ Galbeed

893

Muqdisho (UM) – Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ka soo saartay Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo fartay maamulka Koonfur Galbeed in doorashada Madaxweynaha lagu qabto waqtigii loogu talagalay oo ah 17-ka bishaan November, 2018.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri ”Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka”.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed ay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorisay guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed, sida qoraalka Wasaaradda ka soo baxay lagu xusay.

Hadalka Wasaaradda arrimaha gudaha ka soo baxay ayaa imanaya iyadoo xalay Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay is casileen.

Lama in doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay ku qabsoomi doonto waqti loo qabtay ee 17ka bishaan iyo in ay dib u dhici doonto.