Muqdisho – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal qeexaya sida ay noqoneyso doorashada maamulka Jubbaland oo horay ay do Federaalku u sheegtay in aysan waafaqsaneyn dastuurka.
Wasaaradda ayaa qoraalka ku sheegtay in maamulada la iska barbardhisay ee Jubbaland ay keeneen in cid kasta ay sheegato Madaxweynenimo taas oo horseeday jahwareer siyaasadeed.
Wasaaradda ayaa sheegtay in iyada oo taageero weydiisaneysa saaxiibadeeda caalamka ay hoggaamin doonto dib u heshiisiin iyo doorashada Jubbaland maadaama dadaaladii odoyaasha, dowladda iyo beesha caalamka ay guuldarro ku dhammaadeen.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shir la mid ah kii dib u heshiisiinta Galmudug loo qaban doono beelaha Jubbaland, shirkaasna waxaa hoggaamin doona guddi ay dhiseyso wasaaradda arrimaha gudaha dawladda federaalka oo mudadiisu ku egtahay marka uu dhammaado shirka dib u heshiisiinta.
Kuma caddo qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka waqtiga rasmiga ah iyo meesha lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta, laakiin waxaa qoraalka lagu sheegay in ay dhaceyso dib u heshiisiinta oo ciddii hor istaagta loo arki doono caqabad hortaagan maamul u sameynta Jubbaland, lalana tiigsan doono sharciga.
Odoyaasha beelaha ayaa la tilmaamay in marka uu dhammaado shirka dib u heshiisiinta ay soo xuli doonaan wakiilada baarlamaanka Jubbaland kuwaas oo dooran doona guddoonada baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Dowladda Federaalka ayaa horay u qaadacday doorashadii maamulka Jubbaland iyada oo ku tilmaantay in aan loo marin sifo sharci ah.