Wasaaradda arrimaha gudaha oo magacowday Guddiga Farsamada ee maamul u dhisida Galmudug

50

Muqdisho – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Guddiga Farsamada ee Maamul u dhisida Galmudug. Guddigaan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa si wadajir u soo xulay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulka Galmudug kuwaasi oo shaqadoodu noqon doonto soo xulista Xildhibaannadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddigaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay ka qeyb qaateen dhismaha Guddiga Farsamada ee Maamul u dhisida Galmudug. Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha ay uu kala shaqayn doono dhamaystirka dhismaha Galmudug midaysan.

SHARE