Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

614

Muqdisho (UM) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaaa war qoraal ah ka soo saartay khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ka dhexjira.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay weli sideedii tahay, islamarkaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhamayso  kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dowlad goboleedyada.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ixtiraamysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal ay aaminsan tahay wadatashi, isla tashi iyo isku tashi iyadoo wixii khilaaf ah ee dhaca lagu xallinayo si Soomaalinimo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa adkaynaysaa xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla ummadda Soomaaliyeed, iyada oo loo maray hab ku salaysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo maamul goboleed. Arrimaha Soomaalida waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed, ayaa sido kale lagu yiri war Saxaafadeedka wasaaraada ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa imanaya iyadoo magaalada Garowe uga socda shirka afar cisho soconaya madaxda dowlad goboleedyada oo maanta dowladda Federaalka aad ugu dhaliilay furitaanka shirkooda.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa shalay war ay soo saareen waxa ay muddo saddex cisho u qabteen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu ka hadlo khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Hooska akhriso war Saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.