Muqdisho – Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxafadeedka ka soo saartay arrimaha doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in liiska Odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah ay Isla ansixin doonaan Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u- heshiisiinta iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland.
War Saxafadeedka ayaa lagu sheegay Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka iyo meesha caalamka ay goob joog ka noqon doonaan doorashada Madaxweynaha Jubbaland.
Doorashooyinka Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa loo qorsheeyay in ay dhacsan inta u dhaxeysa 16 bishaan July ilaa 1 bisha August, 2019. Halka Doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono 24-30 bisha Agoosta, 2019-ka.