Wasaaradda arrimaha dibadda oo beenisay musuqa lagu eedeeyay wasiir ku xigeenka

815

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aaya beenisay  eedeeyn loo jeediyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mukhtar Mahad Dauud.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayay xeer ilaaliyaha iyo hanta dhawraha qaranku ku eedeeyeen in uu ku kacay musuqmaasuq.

Wasaaradda ayaa sheegtay in eedahaas looga gol lahaa in lagu sumcad rido wasiirka waxayna sheegeen in taasi ay  xad gudub ku tahay wasaaradda arrimaha oo taasi ay dhaawaceyso wada shaqayntii heydaha dawladda.

Wasaaradda waxay war saxaafadeedka ku cambaareysay falkii ciidan hubeysan oo ay sheegtay in ay yihiin kuwa loogu talo galay la dagaalanka argagixisada ay ku galeen wasaaradda arrimaha dibadda.

Shalay ayay aheyd markii ay ciidamo booliis ah tageen si ay usoo xiraan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, waxaana is hortaag ku sameeyay arrintaas ciidankii joogay, wallow markii danbe amarkaas la joojiyay.