Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS oo u yeertay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

634

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad cabasho dhanka ah hadal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya u gudbisay safaaradda Kenya ee Soomaaliya.

“Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay u aragto farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale ay dhaawacayso xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya, ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa u dhexeeya khilaafka ka dhashay xuduud badeedka Soomaaliya oo ay Kenya sheegaynayso in ay iyadoo leedahay.